Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Sheegay In Aan Laga Noqon Go'aankii Dalka Lagaga Saarayey Ajnebiga Amarna Ku Bixiyey In La Raafo Kuwa Aan Weli Bixin
Hargeysa Feb 5, 2004 (Somaliland.Org)– Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland mudane Ismaaciil Aadan Cismaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aanay dowladdu ka noqon go’aankeedii ay dalka kaga saaraysey dadka ajnebiga ah ee aan u dhalan Somaliland, isla markaana u qabtay waqti kama dambays ah in dadka ajnebiga ahi dalka kaga baxaan ama u hoggaansamaan shuruuc wasaaraddiisu ugu talagashay joogitaanka shisheeyaha ee dalka.
Go’aanka saarista dadka ajnebiga ahi waxa uu soo baxay dabayaqaadii Oktoobar, 2003, kadib dilkii labadii Macallin ee Ingiriiska ahaa ee ka dhacay degmada Sheekh markii Madaxweyne Rayaale uu amray dadka aan u dhalan Somaliland inay kaga baxaan dalka 45 maalmood. Muddadaasi waxay ku ekayd Dec. 7, 2003, waxana uu sababay in dad kumanaan qof oo ka kala yimi Itoobiya iyo Soomaaliya ay dib ugu noqdeen dalkoodii mudadaas gudaheeda. Hase yeeshee, December 7, ayaa wasiirka Arrimaha Guduhu muddo kale oo bil ah ku kordhiyey waqtigii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay in ajnebigu ku baxaan, taas oo iyana ku ekayd January ,2004, waxayna mudadaas dambena dhammaatay iyadoo dad badan oo ajnebi ahi ay weli joogaan, isla markaana aan lagu fulin go’aankaas.
Sidaa darteed, shirka jaraa’id ee uu Wasiirka Arrimaha Guduhu maanta qabtay waxa uu kaga jawaabayey muddo dhaafka ku yimi go’aankaas iyo su’aalo ay dadweynuhu iska weydiinayeen halka uu ku dambeeyey.
Wasiirka, mudane Ismaaciil Aadan Cismaan oo taas ka cudurdaaranaya halka ay wasaaraddiisu kaga hadhay fulinta go’aankaas waxa uu yidhi;
“Bishii January 7-deedii ayay kaga ekayd mudadii dambe ee aan u kordhinay dadka ajnebiga ah si ay hawlahooda u dhammaystaan, kadibna u baxaan. Hase yeeshee, intii u dhexaysey January 7, ilaa maanta wasaaradda amar dambe oo la xidhiidhaa kama soo bixin, iyadoo hawlo badan oo nabadgelyo lagu jirey, iyadoo aad ogtihiin in lagu jirey Emergency (xaalad degdeg ah) xaaladaha ka taagan Bari darteed, ayaannu hawlahaa dib ugu yara dhignay”.
“Markaa waxaan maanta Shacbiga reer Somaliland doonayaa in aan u sheego in aan arrintii iyada ahayd waxba iska beddelin,” ayuu yidhi Wasiirku. Waxana uu intaas ku daray in laga bilaabo bishan February 14-keeda hawlgal dalka lagaga saarayo dhammaan dadka ajnebiga ah ee ka dhega adaygay inay dalka kaga baxaan waqtigii la siiyey iyo dhawaaqii xukuumadda, isla markaana aan haysan sharci ay ku joogaan.
“Halkan waxaan amar ku siinayaa dhammaan ciidamada Booliska, shacbiweynaha reer Somaliland-na waxaan ka codsanayaa iyagoo dadkaasi nabadgelinaya, xuquuqdoodana dhawraya in laga bilaabo maalinta taariikhdu tahay 14-ka February ay ka hawlgalaan, ciidanka booliskana gacan ku siiyaan iyadoo wax allaale wixii ajnebi ah ee aan u dhalan Somaliland, sharcina ku joogin la saari doono,” ayuu yidhi Wasiirku.
Bishii November ilaa horraantii December, 2003, intii lagu gudajirey muddadii 45-ka maalmood ahayd ee loo qabtay in ajnebigu iskood uga baxaan dalka ayaa waxa la ogaadey inuu soo baxay waxoogaa khilaaf ah oo ku saabsan cidda awood u leh inay bixiso ruqsadda joogitaanka shisheeyaha, kaas oo u dhexeeyey Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo isaga waqtigaas bilaabay inuu bixiyo warqadda joogitaanka ama deganaanshaha, iyadoo guud ahaanna tafaasiil la’aanta ajnebiga uu saamaynayo go’aankaasi uu murug weyni ka jirey.
Laakiin, mudane Ismaaciil, shirkiisa jaraa’id waxa uu muujiyey in arrimahaas mugdiga laga saaray oo uu jiro xeer lagu kala saarayo dadka ajnebiga ah ee dalka jooga, isla markaana la furayo xafiis bixin doona ruqsadda joogitaanka marka qofka ajnebiga ahi uu buuxiyo shuruudaha.
“Haddaba, halkee ayaa sharcigooda lagu kala saarayaa,” ayuu yidhi wasiirku. Isagoo su’aashaas ka jawaabayana waxa uu raaciyey; “Bil metel, sharciga degaanaanshaha rasmiga ah iyo sharciga joogitaanka ama deganaanshaha ku-meel-gaadhka ah iyo ogolaanshaha Magangelyada siyaasadeed intaba waxa xaq u leh wasaaraddan (Arrimaha Gudaha). Waxaana uga wakiil ah oo ay u gudbinaysaa qofka ay oggolaato, dikumentiga kama dambaysta ahna saxeexaya Waaxda Socdaal oo hoos timaadda Hay’adda Sirdoonka Qaranka”.
Sidaa darteed, waxa uu sheegay wasiirku in si hawshu u fududaato la furi doono maalinta Isniinta ee soo socota xafiis ay leedahay Laanta Socdaalku oo kala saaraysa dadka ajnebiga ah ee sharci ku jooga dalka ama buuxinaya shuruudaha joogitaanka iyo inta la saarayo. Waxa uu sheegay in xafiiskaas oo uu madax ka noqonayo madaxa laanta Socdaalka oo maamul ahaan hoos tegaya Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka, kaas oo isaguna nidaamka iyo maamulka ka qaadan doona Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Xafiiskaas waxa uu sheegay in saraakiisha Laanta Socdaalka ay ku wehelin doonaan Saraakiil ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay isla eegayaan waraaqaha la bixinayo.
Wasiirku isagoo faahfaahin ka bixinaya cidda sharciga deganaanshaha la siinayo; waxa uu sheegay inay yihiin;
Qof halkan ku haysta meherad ganaci oo rasmi ah oo muddona degganaa,
Qof haya shaqo rasmi ah oo aanay qaban karin muwaadiniinta Somaliland ama muwaadiniinta qaban kartaa yar tahay.
Qofka muddo dheer degganaa dalka, isla markaana haysta wax uu ku noolaan karo.
Ninka Qaba gabadh Muwaadinad ah ama qof la mid ah.
Iyo qofka magangelyo siyaasadeed ku jooga dalka ee wasaaradda ka haysta warqad aqoonsi ah. Inkasta oo uu sheegay in aanay taasi xagga Somaliland ka suurtoobayn ama ku haboonayn inay bixiso magangelyo siyaasadeed.
Gobolada iyo degmooyinka dalka ayuu sidoo kale sheegay in xafiiskan oo kale laga furi doono, iyadoo wasaaraddana uu uga wakiil yahay Badhasaabka gobolku.
Wasiirka, mudane Ismaaciil, waxa kale oo uu soo saaray xeerar uu ku tilmaamay kuwo lagu xoojinayo ammaanka hay’adaha samafalka kadib dilalkii shaqaalihii ajnebiga ahaa ee ka dhacay dalka Okoobar, 2003. Xeerarkaas oo mar la soo baxay go’aanka lagu saarayo ajnebiga waxaa ka mid ahaa in hay’adaha samafalku ay ka soo diiwaangeliyaan xafiis ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha dadka shaqaalaha hoose ah ee aan u dhalan Somaliland ee la shaqeeya si loo hubiyo. Waxana uu maanta ku canaantay hay’adaha samafalka ee dalka jooga in aanay dheg u jalaqsiin go’aamadaas, taas oo uu sheegay in dammaanad qaadka ammaanka shaqaalahooda ay wax ka tari lahayd. Sidaa darteed, waxa uu mar kale digniin ku siiyey in ay wasaaradda u soo gudbiyaan dadka aan u dhalan Somaliland ee xafiisyadooda ka shaqeeya inta ka horraysa 14 February. Waxa kale oo uu faray in ay dadkaas ku beddeshaan muwaadiniinta u dhalatay dalka ee qaban kara shaqooyinka ay hayaan dadkaasi.
Wasiirku waxa uu sheegay in 14-ka bishan ka dib la raafi doono dadka ajnebiga ah laguna geyn doono xuduudkii ay ka soo galeen dalka.
Beryahan dambe ayay dadweynuhu aad isu weydiinayeen halka uu ku dambeeyey go’aankii xukuumadda ee la xidhiidhey ajnebigu, taas oo dhalisay dodo iyo kaftan badan. Waxaana ugu dambayntii lagu qancay hal-ku-dheg kaftan ah oo arrinta lagaga jawaabey, taas oo ahayd “Ajnebigii la saaray waxay dalka dib ugu soo noqdeen iyaga oo hubaysan” oo loola jeedo Ciidanka maamul-goboleedka Puntland ee qabsaday Laascaanood.
Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.
TOP
|