Gacan Libax Online
Sufr this site for all needs.
banner
First Group Links

Second Group Links

Third Group Links


Fu'aad Aadan Cadde Oo Sheegay In Weerarka Ciidamada Somaliland Aanu Joogsanayn Haddii Ciidamada Puntland Ka Baxaan Laascaanod

Hargeisa, Feb 7, 2004 (somaliland.org) - Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga ee Somaliland mudane Fu'aad Aadan Cadde oo ka soo laabtay jiidda hore ee ay fadhiyaan ciidamada Qaranka Somaliland ee duleedka Laascaanod ayaa sheegay in aanu waafaqsanayn baaqyada ka soo baxaya Isimada ku sugan Laascaanod ee ah in ciidamada maamulka Puntland ay ka baxaan Gobolkaas, kuwa Somaliland-na ay halkooda joogaan.

Fu'aad Aadan Cadde oo maanta saxaafadda ugu warramay xafiiskiisa waxa uu sheegay in aanu xal u arkin in ciidamada Cabdillaahi Yuusuf ka baxaan Laascaanood, weerarka ciidamada Somaliland-na aanay taasi baajinayn, isaga oo sheegay in uu waraaq u diray Isimada Laascaanod, taas oo uu ugu caddeeyey sida uu u diiddan yahay baaqooda iyo iskudaygooda ah in ciidamada Puntland ka baxaan magaalada.

"Hal wax baannu ku joogsanaynaa -- xuduudda horta mar walba waa tegeynaa, laakiin hal wax baannu Cabdillaahi ku heshiin karnaa, Somaliland, Sool iyo Sanaag iyo Buuhoodle, maamulkayagii iyo sheegashadayadii waa kala noqonay (isagoo yidhaahda) ayuu ku joogsan karaa weerarku", ayuu yidhi mudane Fu'aad.

Waxa uu sheegay in haddii ciidamada Cabdillaahi Yuusuf ka baxaan Laascaanod waxa ku xiga ee la odhanayaa ay tahay magaaladaas waxa maamulaya dadkii lahaa, taasina aanay xal ahayn, isaga oo yidhi; "Magaaladaa inta laba calan ka taagan yihiin xalkeedda la gaadhi maayo".br>
Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland iyo ciidamadeedu aanay doonayn in ay weeraraan Laascaanod, dagaalna ka dhaco. Sidoo kale, Somaliland aanay weerarayn ayuu yidhi "Majeerteen" balse ay u socoto xuduudkeeda. Hase yeeshee, waxa uu sheegay in haddii mar kale laga soo weeraro Laascaanod ay huran tahay weerar oo ay iyadu belaayada u yeedhatay. Waxana uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in isaga iyo ciidankiisu ay gaadhi karaan xuduudka, laakiin, maadaama aanu isagu Milateri ahayn aanu sidaa yeelayn, isla markaana uu sugayo marka Madaxweynuhu amro hawlgalka.

Waraysi dheer oo uu Mudane Fu'aad Aadan Cadde kaga warramay arrinta gobolka Sool, isla markaana uu ku dhalliilay maamulka xukuumadda Somaliland ee goboladaas lagu muransan yahay, waxaad isagoo dhammaystiran ka akhrisan kartaa Shabakaddan Somaliland.org waqti dhow.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.

TOP


ADVERTISEMENTS
Add banners Some adds may be published here OR Some more links will be added.


Home | Archives | Contact us | LINK | LINK | LINK