Gacan Libax Online
Sufr this site for all needs.
banner
First Group Links

Second Group Links

Third Group Links


Madaxweyne Riyaale Oo Ka Qayb Galay Sanad Guuradii 10aad Ee Ciidanka Qaranka

“Haddii in badan la dafirayay dalkan Somaliland, waxa aan idiinku bushaaraynayaa in dhaqso dalkani u heli doono saaxiibo badan oo baahiyihiisa wax inagala qabata” Madaxweyne Rayaale."

Hargeysa,Feb 3, 2004 (SNN) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay inuu rajoweyn ka qabo mustaqbalka dhow in dalka Somaliland uu ka mid noqdo Qaramada Beesha Caalamka.

Madaxweyne Rayaale oo ka hadlayay saaka munaasibad lagu xusayay sannad guurada 10aad ee kasoo wareegtay Aasaaska Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa uu sheegay in indhaha Beesha Caalamku qabteen xilligan horumarka iyo dawladnimada uu gaadhay dalka Somaliland, oo ay hore isaga indho tiri jireen, iyaga oo xooga saarayay dib-u-dhiska dalkii Koonfurta Soomaaliya, taas oo uu Madaxweynuhu tilmaamay in beesha Caalamku quus ka joogto.

“markii aanu la soo noqonay Madax banaanidayadii (1991kii), in badan bay Beesha Caalamku indhaha ka lalinaysay guusha ay Somaliland gaadhay oo guul darrada ka socoto Soomaaliya ay daba ordayeen. Waxaanse maanta idiin sheegayaa in Beesha Caalamku fikirkoodaas hore ay kasoo jeedsatay oo ay qiimo weyn siinayso guusha ay ummadda Somaliland gaadhay” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

Madaxweyne Rayaale waxa uu sheegay in uu rajayanayo in dalka Somaliland si dhaqso u heli doono dalal saaxiibo dhow ah oo wax kala qabta baahiyihiisa. “Haddii in badan la dafirayay dalkan Somaliland, waxa aan idiinku bushaaraynayaa in dhaqso dalkani u heli doono saaxiibo badan oo baahiyihiisa wax inagala qabata, Insha Allaahu” ayuu yidhi Md. Rayaale. Haseyeeshee Madaxweynuhu carabka kuma dhufan kuwa ay yihiin Saaxiibada uu sheegay.

Madaxweyne Rayaale, oo ka hadlayay Siyaasadda Xukuumaddiisa ee ku wajahan Ciidanka Qarnaka, waxa uu sheegay in uu Mudnaanta kowaad siinayo Ciidanka Qaranka iyo dhismihiisa “Go’aanka Xukuumaddu waxa weeye in mudnaanta kowaad aanu siino Ciidanka Qaranka, oo xag kasta oo aanu wax uga qaban karno ka qabano, wax alla wixii qarankani dhiiqo, mudnaanta kowaad ayaanu siinaynaa Ciidanka Qaranka” ayuu yidhi Md. Rayaale isaga oo intaa ku daray inuu kalsooni weyn ku qabo in Ciidanka Qaranka Somaliland, ka adag yahay difaaca dalka, “Waxaan kalsooni weyn ku qabaa in aad guul kasoo hoyn doontaan difaaca dalkan mar haddii aynaan innagu duulayn oo difaacno Qaranimadeena iyo jiritaankeena Illaahayna garab wuu ina siinayaa cidkastana waynu ka guulaysanaynaa” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale isaga oo si gaar ah ugala hadlaya Ciidanka Qaranka sugitaanka Xuduudaha dalka.

Ugu dambayn, waxa uu Madaxweynuhu ugu hambalyeeyay Ciidanka Qaranka munaasibadda loo sameeyay Aas-aaska Ciidanka Qaranka Somaliland.

Munaasibaddan oo lagu qabtay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, ee Magaalada Hargeysa, waxa ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, Md. Ismaaciil Cumar Aadan (Boos), Taliyaha Ciidanka Qaranka, Md. Nuux Ismaaciil Taani, Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska diblomaasiyadeed ee dawladda Itoobiya ay ku leedahay Magaalada Hargeysa, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka.

Waxa kale oo isna Madaxweynaha ka hor halkaasi khudbad ka jeediyay Wasiirka Gaashaandhiga ee Somaliland, Md. Ismaaciil Aadan Cumar (Boos), oo shaaca ka qaaday in Ciidanka Somaliland diyaar u yihiin in ay qaadaan tallaabo deg-deg ah oo lagu sugayo Xuduudaha Bariga Somaliland.

Wasiirku waxa uu sheegay in aan Cidanka Somaliland marnaba wax dhibaato ah u gaysanayn Magaalada Laascaanood iyo degaanada kale balse ay gaadhayaan Xuduudaha Bariga Somaliland.

“Laascaanood, inta aynu badbaadin karno weynu badbaadinaynaa, Dadkeeda haddii aanay la damcin dagaal, inagu burburin mayno oo ugu horeyn mayno. Laakiin Ciidankeena Xuduudaha dalka wuu sugayaa, Cabdillaahi Yuusuf Ciidamadiisu ha ka baxaan Laascaanood ama yaanay ka bixine.”

wasiir Boos, oo dhawaan kasoo laabtay jiidaha hore ee fadhiisimada Ciidanka Somaliland ee aaga Bari, oo uu ku tagay kormeer hawleed waxa uu sheegay in Ciidanka Somaliland, inkasta oo aanay xabad ridin haddana u diyaar yihiin in ay ku dhaqaaqaan tallaabada ay ku sugayaan xuduudaha dalka.

Wasiirka oo ka hadlayey faro-gelinta Maamulka Majeerteeniya ee uu Madaxda ka yahay Cabdillaahi Yusuf ku soo sameeyey Gobolka Sool, waxa uu yidhi; “ markii muddo nabadgelyo lagu jiray ee Somaliland wax badan qabsatay waxa muuqatay ictiraafkii Somaliland soo dhawaaday iyo in Soomaaliya caalamkii ka daalay, taas waxa ay keentay in cadawgii Somaliland, Gardarooyin gaagaaban innagu soo qaaday oo Ciidamo laynoogu hanjabayo. Cidda innagu soo qaatay waa kuwa xasuus daran, waa Soomaaliyadii aynu kala soo noqonay xornimadeenii qaar ka mid ah. waa Soomaaliyadii aynu ka dagaalanay ee innaga o aan midaysan halkaynu marinay ogaydeen, oo markii xuduudaha lagu hubsadya aynaan aargoosi dambe ku qaadin ee aynu saamaxnay. Markii aynu tashanay ee Somaliland dib ula soo noqonay ee nabadgelyo helnay ayaa kii (Cabdillaahi Yuusuf) caynkaa ahaa intuu wixiiba iloobay ayuu weerar soo qaaday Cabdillaahi Yuusuf caqli xumadiisa”.

Waxa uu intaa raaciyey “Cabdillaahi Yuusuf wuu eedi doonaa gardarrada uu ku soo sameeyay Somaliland” Ugu dambayn, wasiir Boos waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan Ciidanka Qaranka Somaliland, xuska munaasibadda Aasaaska Ciidnaka awgeed.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Md. Nuux Ismaaciil Taani, isaga oo ka xogwarmaya Xaaladda Ciidankana waxa uu yidhi; “Duruufo badan oo wadanka lasoo gudboonaaday ayuu Ciidanka Qaranku ka samata bixiyay waajibaadkiisana kaga soo baxay sida Doorashooyinkii kala duwanaa ee dalku soo maray” ayuu yidhi Col. Nuux, isaga oo intaa ku daray “Iyada oo Ciidanka Qaranku la wadaago Ciidanka Booliska sugidda nabadgelyada gudaha, waxa u sii dheer inuu u xilsaaran yahay difaaca dalka iyo sugidda xuduudaha Qaranka.”

Col. Nuux,waxa uu sheegay in waajibaadka maanta horyaal Ciidanka Qaranku yahay sugitaanka xuduudaha dalka, “Waajibaadka Ciidanka Qaranka horyaala maanta waxa weeye sidii loo sugi lahaa xuduudaha Qaranka taana waanu ballan qaadaynaa” ayuu yidhi Col. Nuux, isaga oo intaa raaciyay in Cidanka Qaranku ka qayb qaato fidinta Maamulka iyo wax soo saarka dalka.

SNN Correspondent Hargeysa Somaliland
Mohamed H. Joma (Rambo)

TOP


ADVERTISEMENTS
Add banners Some adds may be published here OR Some more links will be added.


Home | Archives | Contact us | LINK | LINK | LINK